Sawirro:Soomaaliya iyo talyaaniga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Diblumaasiyadeed

Kulan u dhaxeeya wasiiru dowlada Arimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada dalka mudane Cabdulqaadir axmed kheyr iyo safiirka talyaaniga u fadhiya soomaaliya Carlo Campanile ayaa ka dhacay magaalada muqdisho.


Mas,uuliyiinta labada dhinac ayaa waxay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dowladood iyadoo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil kale waxaana uu kulankaan ka dhacay xafiiska wasiiru dowlaha.


Mudane Cabdulqaadir axmed wasiiru dowlada arimaha dibeda ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Talyaaniga.


Carlo Campanile ayaa dhankiisa sheegay in uu ku dadaali doono sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka mudada fog ee talyaaniga uu la lahaa soomaaliya si loo gaaro riyada labada shacab.

Talyaaniga ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka sida weyn ula socda dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ka socda dalka.

Faallooyin