Boqorka Sacuudiga oo ka gaabsaday in uu ka hadlo dilkii Jamaal Khashoggi

Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan bin Cabdi casiis ayaa maanta waxaa uu qudbad ka jeediyay kulan ay yeesheen golaha shuurada sacuudiga.


Mr Salmaan ayaa soo hadal qaadin dacwada ka dhanka ah dilkii loo geestay wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhexdilay qunsuliyada sacuudiga ee Magaalada Istanbul.


Boqorkaan 82 jirka ah ayaa dhanka kale u riyaaqay howsha ay hayaan gudiga garsoorka iyo waaxda dacwad soo oogida,isaga oo dhanka kale ugu baaqay in ay sii xoojiyaan shaqada loo igmaday.


Wariye Jamal khashoggi oo marar badan u dhaleeceeyay dhaxal sugaha sacuudiga Mr Maxamed bin Salmaan ayaa la dilay 2-dii bishii October.


Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waaxda dacwad soo oogida sacuudiga ay ku dhawaaqday in xooga saari doonto sidii dil toogasho loogu xukumi lahaa shan ruux oo lagu tuhmayo dilkii wariye Jamal Khashoggi.

Faallooyin