Al Qaacida oo kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidanka nabad ilaalinta Qaramada midoobay ee ku sugan Mali

Waxaa sii kordhaya weerarada ay dagaal yahanada Al Qaacida ka geysanayaan waqooyiga Mali ee ka dhanka ah saraakiisha hey,ada qaramada midoobay u xilsaaran is dhaxgalka bulshada ee loo yaqaan (MINUSMA).

MINUSMA oo ah ciidamo nabad ilaalin ayaa waxaa loogu tala galin in ay qaadaan howlgal Milatari balse ay shaqadooda tahay in ay nabada ilaaliyaan.


Ciidankaan ayaa dhanka kale isku dayaya in ay buuxiyaan booskii ay baneeyeen hey,adaha Gargaarka ee sababaha amni daro uga baxay Mali.


Inkasta oo ay weeraro ay ka dhacayaan waqooyiga Mali ayaa hadane ciidanka nabad ilaalinta ee qaramada midoobay waxay fuliyeen mashaariic badan oo lagu hormarinayo beeraha iyo caawinta iskuulada.

Balse Arintaan ayaa noqon mid daboosha baahida heysata bulshada sida ay sheegeen dadka ku dhaqan waqooyoga Mali.

Faallooyin