Mareykanka iyo Taliban oo kulan looga hadlay aayaha Afghanistaan ku yeeshay Dalka Qatar

Saraakiil sare oo ka tirsan ururka Taliban ayaa kulan sadex maalin socoday magaalada dooxo kula qaatay Ergayga Mareykanka u qaabilsan wadahalka Nabada Afghanistan ee lagu magacaabo Zalmay Khalilzad.


Kulanka labada dhinac ayaa diirada lagu saaray wadahalka Nabada ee wadanka colaada ay la degtay ee Afghnistan,sida uu xaqiijiyay sargaal diiday in magaciisa la xuso oo ka tirsan Taliban.

Wadahalkaan oo dhamaaday maalintii Axada ee shalay ayaa waxaa xaqiijiyay xubno ka tirsan dagaal yahanada Taliban,waxaana ay ka gaabsadeen in ay ka sii hadlaan waxyaabaha lagu lafa guray.


Balse waxay xaqiijiyeen in la isla soo qaaday sidii loo dar dar galin lahaa waqtiga loo qabtay in ciidanka Mareykanka iyo kuwa Nato ay uga baxaan Afghanistan.

Kulankaan ayaa sidoo kale lagu hadal qaaday sidii loo sii xoojin lahaa wadahadalada Nabada si xalwaara loogu soo dabaalo dalkan ku yaal qaarada aasiya.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii 5 xubnood oo ka tirsan saraakiisha sare ee dhanka siyaasada kooxda Taliban ay ka qeyb galeen kulan ka dhacay magaalada caasimada ah ee Moscow.

Kulanka lagu qabtay Ruushka ayaa waxaa uu ahaa wadahadalkii ugu horeeyay oo caalami ah oo looga hadlo xalinta colaada sokeeye ee ka jirta Afghanistan.


Saraakiisha Taliban ayaa kulanka ay la yeesheen safiirkii hore ee Mareykanka u fadhin Jiray wadamada Afghan iyo ciraaq"Mr Zalmay Khalilzad, waxay uga dalbadeen in xukuumada Washington ay qaado xayiraada dhanka socdaalka ee saaran saraakiisha sare ee kooxda iyo in la sii daayo maxaabiista ka tirsan dagaal yahanada Taliban.

Faallooyin