Askar ka tirsan ciidamada nabad Ilaalinta Qaramada midoobay oo lagu dilay Congo

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in todobo askari oo ka tirsan ciidamadeeda nabad ilaalinta lagu dilay dimuquraadiga Congo,kadib howlgal milatari oo ka dhan ah dagaal yahanada mucaaradka oo ka dhacay gobolka waqooyi bari ee dalkaas.

Dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay tiro ka tirsan ciidamada dowlada oo iyagana si wadajir ah kala qeyb qaatay ciidamada nabad ilaalinta qaramada midoobay ee ku sugan Congo.


Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta mr Stephane Dujarric ayaa sheegay in howlgalkan ka dhan ah mucaaradka (ADF) uu ka dhacay degaanada ay uga sugan yihiin gobolka Beni iyo waqooyiga Kivu.


Qaramada midoobay ayaa dhanka kale xaqiijisay in askar kale looga dhaawacay dagaalka hal ka mid ka mid ah askartooda uu maqan yahay,ayna dileen dagaal yahano ka tirsan Jabhada ADF.

Askartan lagu dilay Congo ayaa lix ka mid ah waxay u dhasheen Malawi halka midka kale uu ahaa muwaadin ka soo jeeda Tanzania.

Faallooyin