Justin Trudeau oo raali galin ka bixiyay dad yahuud ah oo 80 sano ka hor lag diiday in ay galaan Canada

Ra'isul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa raali galin buuxda ka bixiyay dad magan galyo doon ahaa oo yahuud ah oo laga diiday in la aqbalo mudo laga joogo 80 sanadadood.

Dadkaan oo tiradoodu aheyd 900 oo ruux ayaa dooni ayaa halkaas ku tagay markab balse waxaa laga hor istaagay in ay gudaha u galaan Canada.


Bishii May sanadkii 1939-kii ayaa dadkaan yahuuda ah waxay ka carareen iyaga oo watay markab magaalada Hamburg si ay uga badbaadan Naasigii Jarmalka ee lagu magacaabi Jiray Hitler.


Qaxootigan ayaa markii magan galyada ay u diideen wadamada Canada Mareykanka iyo Cuba waxay dib ugu laabteen qaarada yurub oo dalal ku yaal ay qaarkood magan gelyo ka heleen.


Arintaan ayaa waxaa laga soo xigtay hey'ada lagu magacaabo historians and the American Jewish Joint Distribution Committee.

Dadkaan ayaa 255 ka mid ah waxaa lagu dilay dagaalkii labaad ee aduunka waxaana qaarkood ay ku jireen waqtigaas xeryo qaxooti.


Ra'isul wasaaraha Canada mr Justin Trudeau oo maanta ka soo muuqday aqalka barlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in raali galin ka bixinayo 907 ruux oo yahuud jarmal ah oo dalkiisa u diiday in magan gelyo la siiyo.

Faallooyin