Dagaal yahano hubeysan oo weerar lagu dilay shan ruux ka geestay bartamaha Hindiya

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Jabhada Maoist ayaa weerar lagu dilay shan ruux maanta oo khamiis ah waxay ka geysteen baartamaha Hindiya oo ay bishaan ka dhaceyso doorashada.

Mid ka mid ah shanta ruuxc ayaa waxaa uu ka tirsanaa ciidamada amniga sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday booliska.


Weerarkaan ayaa waxaa dhanka kale uu dhaawac uu ka soo gaaray laba askari oo ka tirsan ciimadada amniga,kadib markii miino loo dhigay ay la qaraxday Bus ay saarnaayeen oo marayay agagaarka degaanka Bacheli oo ka tirsan degmada Dantewada.


Weerarkaan ayaa waxaa uu noqonayaa kii sedaxaad oo laba todobaad gudihiis ka dhaca,xilli la filayo in Ra'isul wasaare Narendra Modi uu qudbad ku saabsan doorashada uu ka jeediyo Tv-ga Hindiya.

Weeraro badan oo ka dhacay gobolka bartamaha hindiya ayaa waxaa lagu dilay ciidamo ka tirsan booliska waxaana sheegtay kooxda Maoist.

Faallooyin