Dowlada Ciraaq oo howlgalo ka dhan ah daacish ka wada xadka ay la wadaagto suuriya

Milatariga dalka ciraaq ayaa wada howlgal ay uga hortagayaan kooxo hubeysan oo ka tirsan dagaal yahanada iskugu magac daray dowlada Islaamka ee daacish.


Ciidamo hubeysan ayaa waxaa la geeyay xadka ay wadaagaan suuriya iyo ciraaq deegaano ku yaal gaar ahaan dhanka waqooyi ee xuduuda oo la aaminsanyahay in ay kooxdan ku sugan tahay.


Dabayaaqadii bishii October, ayaa ciidamadan loo diray halkaas si ay uga hortagaan dagaal yahano lagu sheegay 250 oo isku aruursanaya degaanada xuduuda.

Taliska Milatariga Ciraaq ayaa dhanka kale sheegay in dagaal yahanadan ay cadaadis ku hayaan shacabka ku nool xadka u dhaxeeya suuriya iyo Ciraaq.

Faallooyin