Xildhibaano ku hanjabay in ay xilka ka qaadi doonan gudoomiyaha barlamaanka Garissa

Waxaa maalinkii labaad shaqo joojin wada shaqaalaha xarunta barlamaanka dowlad goboleedka Garissa ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Arintaan ayaa timid kadib markii shaqaalaha xaruntaan ay afhayeenka barlamaanka ku eedeyeen in uu dayacay howlihii loo igmaday gaar ahaan kala fadhiga xarunta.


Wakiilada hoose ee barlamaanka ismaamulka Garissa ayaa shalay shir Jaraa'id oo ay ku qabteen gudaha xarunta waxay ku hanjabeen in ay xil ka qaadis ku sameyn doonaan mr axmed Ibraahim cabaas.


Dhanka kale shaqaalaha ayaa waxaa xaruntaan ayaa waxay sheegeen in aysan shaqada dib ugu soo laaban doonin ilaa iyo inta tabashadooda laga xalinayo.

Qaar ka mid ah ayaa waxay sheegeen i mr cabaas uu u hanjabay halka kuwa kalena ay tilmaameen in uu aflagaado u geystay sida uu sheegay mr cabdulah Olow oo ka mid ah gudiyada barlamaanka Garissa.

Faallooyin