Booliska California oo aqoonsaday ninkii ka danbeeyay weerarkii dadka lagu laayay

Booliska koonfurta California ayaa aqoonsaday nin 28 jir ah oo ka danbeeyay toogasho ka dhacday galinkii danbe ee arbacadii shalay kaasi oo ay ku dhinteen 12 ruux.

David Long ayaa toogtay dad ku caweynayay hotelka Borderline Bar oo qiyaastii 50 kiilo mitir dhanka galbeed kaga beegan gobolka Angeles.

Dadka ku sugnaa baarkan ayaa ahaa dad u badan dhalinyaro oo isugu yimid xaflada muusiga oo ay ku tartamayeen dhalinyaro arday oo ka kala yimid gobolada Mareykanka.

Taliyaha ciidamada booliska aagaas mr Geoff Dean ayaa waxaa uu warbaahinta u xaqiijiyay in mr Long uu ku hubeysnaa qoray noociisa lagu sheegay Glock 21 waxaana uu watay 10 wareeg oo rasaas ah.


Booliska ayaa aaminsan dhanka kale tibaaxay in ninkaan uu is dilay markii uu dadkaan toogtay.


Dadka qaar ayaa waxay dhinteen iyaga oo isku dayay in ay gudaha galaan xilli ciidamada amniga ay wadeen dadaalo ay uga jawaabayaan weerarkan.

Laamaha caafimaadka ayaa sheegay in hal ruux ay daaweyn caafimaad u sameeyeen,halka kuwo kale wali ay isbitaalka ku jiraan.

Dadka qaar ayaa dhaawac waxaa uu ka soo gaaray iyaga oo isku dayay in ay daaqadaha ka baxaan,waxaana ka mid ah caruur yar yar oo aan qaan gaar aheyn.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa alaaba ka dhaca falal ceynkani oo kale ah kaasi oo ay ku dhintaan sanad walba dadweyne fara badan.

Faallooyin