Gudiga doorashada Bangladesh oo ku dhaawaqay xiliga la qaban doono doorashada

Dowlada Bangladesh ayaa sheegtay in ay qaban doonto doorasho xor iyo xalaal ah 23 bishan December iyadoo ay soo baxayaan cabasho ay mucaaradka ka qabaan doorashada.


Gudiga doorashada ee Bangladesh ayaa khamiista maanta ah ku dhawaaqay in la qaban doono doorashada xili hogaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka uu xabsiga ku jiro.

Shir Jaraa;id oo uu Tv-ga iyo raadiyaha dowlada ka qabtay gudoomiyaha gudiga doorashada mr Nurul Huda ayaa waxaa uu sheegay in doorashada ay noqon doonto mid cadaalad iyo sinaan ah.


Waxaa uu rajo ka muujiyay in dhamaan asxaabta mucaaradka ay ku qanci doonan xilli marka kale uu doorashada u loolamay Ra'isul wasaare Sheikh Hasina.

Si kastaba ha ahaatee asxaabta mucaaradka ayaa ka baqdin qaba in doorashada ay noqon weyso mid u dhacda si cadaalad iyo sinaan ay ku dheehan tahay.


.

Dhamaan xubnaha loolamaya ayaa waxaa waajib ku ah in araajidooda ay soo gudbiyaan 19 bishan November,balse waxaa fursad heli doonin hogaamiyaha mucaaradka ms Zia oo xabsi ku xiran.

Sababaha hogaamiyaha mucaaradka aysan uga qeyb gali doonin doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in maxkamadaha dalkaas ay ka diideen in racfaan lagu sii daayo.

Faallooyin