Deg:Deg Trump oo shaqada ka eryay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Jeff Sessions

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka eryay xeer ilaaliyaha guud Jeff Sessions in ka yar mudo 24 saac markii xisbiga Jamhuriga looga guuleestay aqlabiyada kuraasta aqalka hoose.


Mr Sessions ayaa sheegay in Trump uu ku wargaliyay arintaan galinkii danbe ee maanta waxaana uu sheegay in shaqada uu uga tagay amarka Trump.

Donald Trum ayaa uga mahad celiyay shaqada uu soo qabtay Sessions,iyadoo booskiisa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Matthew G Whitaker ilaa laga soo magacaabayo xeer ilaakiyaha cusub.

Xil ka qaadista Trump uu ku sameeyay xeer ilaaliyihii guud ee mareykanka ayaa saraakiil ka tirsan aqalka sare waxay ku sheegeen sidii lagu dar dar galin lahaa dagaalka lagula jiro soo galootiga Mareykanka.

Faallooyin