Sawiro:Kulan looga hadlay dhibaatada Koronto la'aanta ee ka jirta wajer oo ka dhacay Nairobi

Hogaamiye yaasha laga soo doortay ismaamulka Wajer ee gobolka waqooyi bari ee dalka kenya ayaa kulamo la qaatay wasiirka tamarta mr Charles Keter.


Kulankaan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa xildhibaanada wajer waxay uga cowdeen dhibaatada korontada ee ka jirta degaanadooda.

Mudanayaashan ayaa waxaa hogaaminayay mudaha laga soo doortay degmada ceel dhaas aadan wehliye keynaan wakiilka dumarka ismaamulka wajer marwo faduma gedi iyo mudanayaal kale.

Wasiir ka Tamarta kenya Charles Keter ayaa dhankiisa sheegay in uu aad uga xun yahay dhibaatada koronta la;aanta ee ka jirta wajer waxaana uu balan qaaday in Injineero soo xiro matoor caabirkiisu yahay 2Mw u u dirayo magaaalada wajer.

Marwo Fatuma Gedi ayaa ugu baaqday dowlada kenya in korontada biyaha ku shaqeyso ay gaarsiiso magaalada wajer si ay ula mid noqoto gobolada kale ee dalkaas ee isticmaala adeega korontadan.

Faallooyin