Dad ku dhow 50 ruux oo ku dhintay shil ka dhacay wadanka Zimbabwe

Shil qasaare ba'an geystay ayaa arbacada maanta ah waxaa uu ka dhacay meel u dhow magaalada caasimada ah ee Harare ee dalka Zimbabwe.


Inta la xaqiijiyay shilkaan ayaa waxaa ku dhintay 47 ruux kadib markii uu laba gaari oo Buses oo ay saarnaayeen dadkaan ay isku dhaceen.


Afhayeenka booliska Zimbabwe oo u waramay wakaalada wararka ee AFP ayaa xaqiijiy in shilka uu ka dhacay wadada weyn ee xiriirisa magaalada Harare iyo magaalada Mature ee koonfurta dalkaas.

Dadka ku dhaawacmay shilkaan ayaa waxaa la dhigay isbitaalada waxaana socda baaritaan la xiriira waxa dhaliyay shilkaan.

Faallooyin