Xuutiyiinta oo ku hanjabay in ay difaaci doonan gacan ku heynta magaalada Xudeydah ee dalka Yemen

Hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda xuutiyiinta ayaa waxaa uu sheegay in aysan isku dhiibi doonin,ciidamada dowlada Yemen oo taageero ka helaya isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga.


Hadalkaan ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo Culeys xoogan ay la kulmayaan mucaaradka waxaana dagaalo qaraar ay ka socdaan daafaha magaalada Dekada ah ee Xudeydah.

Abdel-Malik al-Houthi oo ka soo muuqday Tv-ga xuutiyiinta taageera ee Al Misrah ayaa waxaa uu meesha ka saaray rajada ay qabaan xulufada sacuudiga oo ku aadan in ay qabsadaan degaanada ay gacanta ku hayaan.

Dhanka kale waxaa uu tibaaxay in aysan dhici dooni hada iyo mustaqbalka in ay isku dhiibaan dowlada Yemen ee taageerada ka heysata dalalka Caalamka.

Magaalada Xeebta ah ee Xudeydah ayaa 70 boqolkiiba waxaa ka soo dega shixnadaha gargaar iyo kuwa ganacsiga ee dibada uga yimaada wadankan ugu faqrisan dalalka carbeed.


Ku dhowaad 200 oo dagaal yahan ayaa lagu dilay todobaadkii la soo dhaafay duqeymo ay diyaaradaha dagaalka ka geysteen magaalada Xudeydah.


Dhanka kale ciidamada Yemen ayaa sheegay in xuutiyiinta ay lumiyeen maamulka dhul ay horay u heysteen,deetana ay bilaabeen dacaayad ka dhan ah sacuudiga.

Maanta oo arbaco ah ayaa dagaal ka dhacay wadada weyn ee gasha magaalada xudeydah ayaa xulufada ugu suura gashay in ay la wareegaan wadada 50-aad oo u dhow dekada Xudeydah.

Faallooyin