Ruushka oo rajo ka muujiyay booqasho uu dalkeeda ku tago Kim Jong Un

Dowlada ruushka ayaa waxay rajo ka muujisay in dalkeeda uu soo booqan doono hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un sanadka soo aadan.


Arintaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday la taliyaha dhanka siyaasada arimaha dibeda ee madaxweyne Vladimir Putin arbacada maanta.


Mr Yuri Ushakov ayaa wakaalada wararka ruushka u sheegay suura galnimada booqashadan sanadka soo aadan.


Dhanka kale ma uusan ka hadlin warar maalmihii la soo dhaafay ay qorayeen warbaahinta ruushka.


Bishii la soo dhaafay madaxweynaha kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa waxaa uu ka hadlay arintaan isaga oo sheegay in hogaamiyaha da'da yar ee kuuriyada waqooyi uu booqan doono dalka ruushka.

Xukuumada Moscow ayaa casuumaad ugu fidisay in Kim uu soo booqdo dalkeeda balse ma aysan helin jawaab arintaan la xiriirta.


Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa kor u kacayay siyaasada arimaha dibeda kuuriyada waqooyi wixii ka danbeeyay kulankii ay qaateen bishii June ee sanadkaan madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Mr Kim Jong Un.

Faallooyin