Denmark oo xabsiga dhigtay sadex ruux oo lagu eedeyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada

Dowlada Denmark ayaa xabsiga dhigtay sadex ruux oo lagu eedeyay in ay soo dhaweeyeen weerar argagixiso oo bishii september ka dhacay koonfur galbeed dalka Iran oo lagu dilay 25 askari oo ka tirsan ciidamada amniga.


Weerarkaan ka dhacay magaalada Ahvaz ayaa waxaa dadka lagu dilay ka mid ahaa wiil afar jir ah iyadoo mas'uuliyadiisa ay sheegatay dagaal yahanada Daacish.


War saxafadeed ka soo baxay laamaha booliska arbacada maanta ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadkan ay jabiyeen sharciga Denmark.


Afhayeenka booliska Denmark Bjoerke Kierkegaard ayaa waxaa uu tibaaxay in r sadexdan ruux ayaa baaritaan ku hayaan ayna muteysan doonan in la ganaaxo ama xabsi laba sano.


Denmark ayaa dhanka kale ku eedeysay in shaqsiyaadkan ay ka tirsan yihiin kooxda Ahwaziya ee dagaalka kula Jirta xukuumada Iran.

Faallooyin