Xisbiga Dimuquraadiga oo badi ku guuleestay doorashada dhexe ee aqalka Congress-ka Mareykanka

Xisbiga Dimuquraadiga ah ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu hogaaminayaa kuraasta ugu badan aqalka hoose ee loo tartamay tan iyo markii ugu horeysay oo mudo sideed sano ah.


Guushaan ayaa waxay dhib ku noqon doontaa madaxweyne Donald Trump oo halgan ugu jiray bilihii la soo dhaafay in xisbiga Jamhuuriga ay ku guuleestaan.

Ku guuleysiga kuraasta aqalka hoose ayaa ka dhigan in xisbiga Jamhuuriga uu noqdo mucaarad aan awood laheyn maadama uu helay 23 kursi.


Arintaan ayaa ka dhigan in xisbiga dumuquraadiga ay maamuli doonan kala fadhiga golaha aqalka hoose,halka Jamhuuriga ay sii xajisteen golaha Senet-ka.


Dabaal degyo waaweyn ayaa waxay ka ka socdaan gudaha mareykanka kaasi oo ay dhigayaan taagerayaasha xisbiga dimuquraadiga.


Dhanka kale Rashida Tlaib ayaa ku guuleysatay kursiga Congaress-ka gobolka Michigan halka Ilhan cumar oo ah haweeney soomaaliyeed ay iyadana si la mid ah guul uga gaartay loolanka ka dhacay gobolka Minnesota.

Waxay noqonayaan laba haween muslimiin ah oo guul ka soo hooya doorashada dhexe oo la qabtay labada sano ee ugu horeysay oo xilka uu hayo Donald Trump gaar ahaan aqalka Congaress-ka.

Faallooyin