Shariif xasan shiikh aadan oo is casilay kuna dhawaaqay in uusan ka qeyb gali doonin doorashada

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed ee dalka Shariif Xasan shiiq aadan ayaa iska casilay xilka madaxtinimo maanta oo arbaco.

Arintaan ayaa timid kadib kulamo uu magaalada Beydhabo kula qaatay mas'uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka Arimaha gudaha ee xukuumada dalka.

Intaa kadib ayaa shriif xasan shir Jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Beydhabo ayaa saxafiyiinta u sheegay in uu iskaga haray doorashada kadib wada tashiyo badan uu la qaatay mas'uuliyiin iyo waxgarad badan.

Xilka madaxtinimo ayaa waxaa lagu wareejiyay afhayeenka barlamaanka ismaamulka koonfur galbeed mudane Cabdi khaadir Shariif Sheekhuna,inta laga soo dooranayo maamulka xiga ee koonfur galbeed.

Doorashada madaxtinimo ee la filayay in ay dhacdo 17 bishan November ayaa dib loo dhigay kadib markii ay is casileen xubno ka tirsanaa gudiga doorashada.

Odayaasha iyo waxgaradka ismaamulka koonfur galbeed ayaa shalay ku dhawaaqay dib u dhigista doorashada kadib markii ay ku eedeyeen dowlada dhexe in ay fara galin ku heyso doorashada maamulka koonfur galbeed.

Faallooyin