Dowlada kenya oo lagu booriyay in ay furto xaduuda ay la wadaagto soomaaliya

Barasaabka dowlad goboleedka Garissa mudane Cali bunow qorane ayaa ka dalbaday dowlada kenya in ay si deg deg ah u furto xadka gobolka waqooyi bari uu la wadaago dalka.


Mr Bunow oo warfidiyeenada kula hadlay degmada Dadab oo ay ku sugan yihiin qaxooti badan oo soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku dhaliilay dowlada kenya sababaha ay wali ku furi la dahay xuduuda.


Waxaa uu tilmaamay in xirnaashaha xuduuda ay tahay cunaqabateyn si gaar ah u saaran soomaalida ku nool gobolka waqooyi bari.


Hogaamiye yaasha soomaalida ee dalkaas ayaa marar badan ugu baaqay in la furo xadka labada wadan kala qeybiya inkastoo dowlada kenya ay marar badan gaashaan ka u daruurtay.


Barasaabka garissa ayaa waxaa uu tibaaxay in xadka si farsameysan uu u furan yahay,balse ay dowlada ka hor istaagtay in shacabka si sharci ah ay ugu furto.

Hadalkaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dadka danyarta ah ee ku nool waqooyi bari ay ka cabanayaan qiimaha sare oo ay ku ibsadaan cuntada iyo agabyada kale ee muhiim ka u ah Nolosha.

Faallooyin