Dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada oo loogu baaqay in ay xaliyaan qilaafka u dhaxeeya

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa loogu baaqay in ay la shaqeeyaan xukuumada dhexe ee fedaraalka soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee muqdisho.

Xildhibaanka laga soo doortay degmada dadab ee dowlad goboleedka Garissa ee gobolka waqooyi bari ee kenya Dr Maxamed daahiye ducaale ayaa waxaa uu sheegay in aysan xiligan soomaaliya u baahneyn qilaaf gudaha.

Mr Daahiye ayaa dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay in hogaamiye yaasha soomaalida ay tanaasul isku sameyn waayaan waqtigaan oo shacabkooda qaxooti ku yihiin wadamada caalamka.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu ku booriyay golaha sharci dajinta in ay kala saaraan maamul goboleedyada iyo xukuumada soomaaliya is qab qab siga u dhaxeeya.

Hadalkaan ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo uu sii kordhayo ismarin waaga ka dhex taagan dowlada uu hogaamiyo madaxweyn Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Faallooyin