Wiil 11 jir ah oo ayeydiis toogasho ku dilay kadib markii ay ku amartay in uu nadiifiyo qolkiisa

Ciidamada amniga ee gobolka Arizona ee dalka mareykanka ayaa shaaciyay in wiil 11 jir ah uu ayeydiis toogasho ku dilay kadib markii ay ku amartay in uu soo nadiifiyo qolkiisa.


Taliyaha ciidanka booliska ayaa sheegay in taleefan uu u soo diray mr Doyle Hebert oo ah ninka qabay haweeneyda la dilay una sheegay in xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Yvonne Woodard uu dilay wiil ka uu awoowaha u yahay.

Mr Doyle ayaa booliska u sheegay in xabada hore uu maqlay isaga oo daawanaya Tv-ga deetana uu orday inta aysan dhicin xabada labaad balse uu nasiib daro arkay xaaskiisa oo dhulka taala.

Isniintii shalay ayaa waxaa iskuulka caruurta ee Litchfield war saxafadeed uu soo saaray waxaa uu ka tacsiyeeyay geerida lama filaanka aheyd ee ku timid haweeneydaan.

Dhanka kale saraakiisha booliska ayaa waxay sheegeen in cunugan 11 jirka ah uu ku xiran yahay xabsiga loogu tala galay caruurta ayna wali baarayaan sababta ka danbeysay in uu toogto ayeydiis.

Dalka mareykanka ayaa sanad walba waxaa ka dhaca dilal ceynkani oo kale ah taasi oo loo sababeynayo hubka guryaha u yaal dadweynaha.

Faallooyin