Haweeney 82 Jir ah oo ka mid aheyd codbixiye yaasha doorashada Mareykanka oo geeriyootay

Haweeney 82-jir ah oo lagu magacaabi Jiray Gracie Lou Phillips ayaa ku geeriyootay waqooyiga Taxes ,kadib markii ugu horeysay oo ay u soo baxday in ay codkeeda ka dhiibato doorashada dhexe ee Mareykanka.

Sida laga soo xigtay Tv-ga NBC xarunta uu ku leeyahay magaalada San Diego,haweeneydan ayaa la xanuun saneysay cudurka loo yaqaan qabowga ama koolba aaryada.

Gabar ay ayeeyo u tahay ayaa NBC u xaqiijisay in ayeydeed markii hore ay xanuun saneyd balse ay xaalada ka sii dartay markii ay go'aansatay in ay codeyso.


Michelle Phillip ayaa daaha ka qaaday in ayeydeed aysan wali ka codeyn doorasho sababo la xiriira mashquulkeeda oo badnaa.

Hogaamiye yaasha magaalada Grand Prairie,ayaa ku tilmaamay haweeneydan in ay tahay ayeeyo wanaagsan oo ku dhiiri galisay in dadka ay codkooda dhiibtaan.

Dhanka kale waxaa wali socda doorashada dhexe ee mareykanka oo lagu tartamayo kuraas badan oo isugu jira kuwa aqalka sare golaha degaanka iyo xildhibaanada hoose.

Xisbiga haya talada ee Jamhuuriga iyo dimuquraadiga ayaa mid mid kale rajo weyn ka muujiyay guul ay ka gaaraan doorashada.

Waa doorashadii ugu horeysay ee la qabto tan iyo markii uu xilka ku guuleystay madaxweyne Donald Trump sanadkii 2016-kii.

Faallooyin