Sawiro:Maalinta geesiyada kenya oo maanta laga xusay magaalada Garissa

Maalinta geesiyada ayaa maanta waxaa laga xusay magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee dalka kenya.

Madashan oo sanad kasta lagu soo xasuusto dadkii u halgamay intii kenya ay u dagaalameysay xornimada ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax laga soo doortay ismaamulka Garissa.

Barasaab cali bunow qorane ayaa waxaa uu sheegay in ay waajib tahay in la xuso dadkii u geeriyooday xornimada,isaga oo dhanka kale ka hadlay horamarada ay tiigsaneyso dowlada garissa sanadaha soo aadan.

Madaxdii kale ee ka hadashay goobta ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka dumarka ismaamulka Garissa marwo anab subow guure,mudanaha matala degmada Fafi cabdikariin ismaan ratti,iyo dhigiisa Balmbala mr abdi omar shuuriye.

Faallooyin