Shan iyo toban ruux oo ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Afghanistan

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatay kadib markii ruux naftii hure ah uu isku qarxiyay afaafka hore ee xarun ay dadka codkeeda ka dhiibanayeen doorashada barlamaanka ee maanta ka dhacday dalka Afghanistan.

Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhacay waqooyiga magaalada caasimada ah ee Kapul saacado kadib markii la furay goobaha codbixinta,oo tiro codbixiye yaal ah ay codkooda dhiibteen.

Dadka ku dhintay weerarkan ismiidaaminta ah ayaa toban ka mid ah waxay ahaayeen dad codbixiye yaal ah,halka shanta kale ay ahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada.

Sargaal u hadlay waaxda caafimaadka ee magaalada Kabul,ayaa xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhaawacmeen 25 ruux.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas,uuliyada weerarkan maanta ka dhacay caasimada Afghanistan.

Kooxda Taliban ayaa horay ugu hanjabtay in ay weerari doonta xarumaha codbixinta,waxaana ay dadweynaha ugu digeen in ay codadkooda dhiibtaan.

Faallooyin