Dibad baxayaal careysan oo maanta soo dhoobtay marinkii shalay uu tareenka dadka ku jiiray ee gobolka Punjab

Qoysas careysan ayaa maanta oo sabti ah dibad bax balaaran ka dhigay waqooyiga hindiya,halkaasi oo 60 ruux ay ku geeriyoodeen kuwaasi oo uu tareen xowli sare ku socda uu Jiiray.

Tareenka The Jalandhar-Amritsar express,ayaa dadkaan ku dardaray xilli ay u dabaal dagayeen xus sanadeed ay dhigtaan qowmiyada hinduuga ee ku nool magaalada Amritsar ee caasimada u ah,ismaamulka Punjab Jimcihii shalay.


Meydadka qaar ayaa ilaa iyo hada la aqoonsan la'yahay,waxaana booliska ay sheegeen in ay maalmo ku qaadan doonto.


Qaar ka mid ah waalidiin ay caruurtooda maqan yihiin ayaa maanta booqday isbitaalada,iyadoo ehelada ay qaar ay maanta aas u sameeyeen dadkii ku dhintay mashaqadan.

Madaxa caafimaadka ee magaalada Amritsar ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in 59 ruux ay tahay dhimashada ay hubaan,halka 90 kale ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo 7 ka mid ah xaaladooda ay halis tahay.


Singh ayaa intaa ku daray 25 ka mid ah meydadkan la aqoonsaday,waxaana uu intaa raaciyay in isbitaalka uusan xamili karin meydadka yaala maadama qolka loogu tala galay ay ka baaxad badan yihiin.

Faallooyin