Wadamada caalamka oo siyaabo kala duwan uga falceliyay dilka Jamal Khashoggi

Wadamada caalamka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo maxkamadeeyo shaqsiyaadkii soo abaabulay iyo kuwii ka danbeeyay dilka saxafi Jamal Khashoggi.


Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in aysan aqbali karin sheegashada sacuudiga,waxaana ay ku baaqdaay in la maxkamadeeyo.

Xoghayaha arimaha dibeda Britain ayaa waxaa uu sheegay in ay ka taxadarayaan talaabada xigta oo ay qaadayaan,waxaana uu ku celiyay in ay waajib tahay in lala xisaabtamo kuwii ka danbeeyay.


Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu filalayay markii hore sharaxaada sacuudiga,waxaana uu tilmaamay in aan la aqbali karin waxa ka dhacay gudaha qunsuliyada.


Hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhankooda canbaareyay dilka arxan darada ahaa ee loo geystay saxafigan waxaana ay dalbadeen in uu cadaalada helo wariyaha la dilay.

Dowladaha carbeed gaar ahaan kuwa xulufada la ah sacuudiga,sida imaaraadka ayaa si muuqata kaga hadlin dilka saxafigan,marka loo eegoo wadamada yurub iyo mareykanka.


Dowlada sacuudiga ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegatay in ay ka danbeysay dilka saxafiga labadii isbuuc ee la soo dhaafay la'laa ee Jamal Jamal Khashoggi,kaasi oo lagu dhex dilay qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul.


Dilka saxafigaan ayaa dowlada sacuudiga waxay sheegtay in loo xiray 18 ruux oo ku lug lahaa sida ay qortay majalada The Washington Post.

Khashoggi oo horay u dhaleeceyn Jiray maamulka uu hogaamiyo boqor Mohammed bin Salman, ayaa la waayay 2-dii bishii April oo uu warqad cadeyneysa in ay kala tageen xaaskiisii hore uu ka doontay qunsuliyada.

Dowlada sacuudiga ayaa beenisay in qunsuliyada lagu dhex dilay saxafigan walow turkiga uu sheegay in cadeymo muuqda uu u hayo Arintaan.

Faallooyin