Sawiro:13 ruux oo ku dhimatay daadad xoogan oo ka dhashay roob ka da'ay wadanka faransiiska

Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku geeriyootay kadib daadad xoogan oo ku rogmaday tuulooyin ku yaal agagaarka magaalada Carcassonne ee koonfurta faransiiska sida uu ay sheegtay wasaarada amniga iyo saraakiil ka tirsan shaqaalaha gurmadka.


Tuulada Villegailhenc ayaa la sheegay in biyaha ay si xoogan ay u galeen,iyadoo ciidamada gurmadka ay u suura galin in ay si deg deg ah jawaab kaga bixiyaan kadib burbur soo gaaray qaar ka mid wadooyinka halbowlaha u isku socodka gaadiidka.

Iyadoo laanta saadaasha hawada faransiiska ay horay u shaacisay in ay roobab da'i doonaan bishan ayaa hadane waxaa ka dhashay dabeylo iyo daadad xoogan oo aan horay loo filan.

Inkastoo saacado yar uu roobku da,ay ayaa hadane waxay keentay in dadka qaar ay u barakaacaan dhul sare,maadama ay biyaha 7 mitir ay kor u kaceen wax ka yar sadex saac.

Caruurta iyo dadka culus ee ku dhaqan tuulada Villegailhenc ee koonfurta faransiiska ayaa waxay dantu biday in la saaro saqafyada kore ee guryaha si ay uga badbaadaan biyaha.

Faallooyin