Mareykanka oo ka qeyb qaadanaya baadi goobka saxifiga lagu la yahay turkiga

Madaxweynaha wadanka mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka u diray magaalada Istanbul ee cariga wadanka Turkiga.

Isaga oo warfidiyeenada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in saraakiishan oo aqoon u leh dhanka baarista ay qeyb ka noqon doonaan baadi goobka loogu Jiro saxafiga u dhashay sacuudiga oo markii ugu wardanbeysay booqday Qunsuliyada sacuudiga.

Jamal Khashoggi,ayaa dowlada turkiga sheegtay in markii ugu wardanbeysay uu galay,qunsiliyada taasi oo dhalisay in wariyaha badqabkiisa rajo yar laga muujiyo.

Mareykanka ayaa sheegay in saraakiishan baarista ah ee uu u diray turkiga ay si wadajir ah ula shaqeyn doonaan ciidamada wada baadi goobka Jamal.

Hadalkan Trump ayaa imaanaya maalin kadib markii xukuumada Uk ay sheegtay in sacuudiga ay ka dooneyso in uu kala cadeeyo halka uu ku maqan yahay saxafiga.

Guud ahaan wadamada caalamka ayaa isha ku haya waxa ka soo kordha xaalada saxafiga raqdiisa iyo ruuxdiisa lagu la'yahay magaalada Istanbul.

Faallooyin