Milatariga liibiya oo xabaalo wadareed ay ku aasnaayeen 75 ruux ka soo saaray magaalada Sirte

Xabaalo wadareed ay ku aasnaayeen 75 ruux ayaa laga soo saaray meel u dhow magaalada Sirte, ee wadanka liibiya ee ku yaal waqooyiga Afrika sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada.


Qabuurahan laga soo saaray meydadka ayaa ku yaal degaan ay horay ugu sugnaayeen dagaal yahano taabacsan kooxda daacish ee ku sugan liibiya.


Afhayeen u hadlay maamulka magaalada xeebta saaran oo lagu magacaabo Mohamad al-Amial,ayaa warbaahinta u sheegay in meydadkaan laga soo saaray degaanka al-Daheir ee dhaca agagaarka dhulka beeraha.


Soo saarida meydadkaan ayaa waxaa iska kaashaday milatariga liibiya iyo saraakiil ka tirsan hey,ada laanqeyrta cas ee dalkaas.


Inkastoo ilaa iyo hada la cadeyn meydadkaan waxa ay yihiin ayaa hadane saraakiisha amniga liibiya ay qabaan in ay ahaayeen dagaal yahano laga dilay kooxda daacish.

Ugu danbeyn liibiya ayaa sheegtay in ay ka qaadi doonto tijaabo dhanka dhiiga ah ee loo yaqaan DNA si lagu ogaado heybta meydadkaan laga soo saaray magaalada Sirte.

Faallooyin