Doon waday muhaajiriin ku wajahnaa yurub oo ku degtay xeebaha Turkiga

Sideed ruux oo muhaajiriin ah ayaa geeriyooday kadib markii dooni ay saarnaayeen ay kula rogmatay xeebaha galbeed ee Turkiga sida ay sheegeen saraakiisha bada Turkiga.

Shil badeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu la'yahay 25 ruux kuwaasi oo wali la baadi goobayo,balse lama cadeyn dalalka ay u dhasheen.

Ilaa iyo hada ma cada doontaan halka ay ka shiraacatay iyo meesha ay ku wajahneyd,balse turkiga ayaa sanadihii danbe waxaa uu caan ku ahaa marinka tahriib ee loo maro qaarada yurub.

Dowlada Turkiga ayaa ilaalo xoogan ka hayay xeebihiisa,kadib markii dalalka yurub uu sanadkii 2015-kii la saxiixday heshiis lagu xakameynayo soo galootiga gaara qaarada yurub.

Faallooyin