kooxda boko xaraam oo dishay sideed askari oo ka tirsan milatariga Chad

Kooxda Boko Haram ayaa sheegatay mas,uuliyada weerar lagu dilay sideed askari oo ka tirsanaa milatariga Chad kadib dagaal labada dhinac ku dhexaray gobolka Lake Chad.

Iska hor imaadkan oo ka dhacay aroornimadii hore ee saaka fariisin ay ciidamada milatariga uga sugnaayeen degaanka Kaiga Kindji ayaa waxaa dhanka kale lagu dilay 48 dagaal yahan sida uu sheegay afhayeen u hadlay milatariga.

Taliska milatariga chad ayaa dhanka kale tibaaxay in 11 askari ay ku dhaawacmeen weerarkaan,walow aysan xaaladado adkeyn.


Dalka chad ayaa qeyb ka ah howlgalka lagula dagaalamayo kooxda boko haram ee ku sugan gudaha Nigeria waxaana marar badan ay kooxdaan weeraro ka geysatay xadka Nigeria ay la wadaagto wadamada Niger Chad iyo Cameroon.


Bilowgii bishan ayey aheyd markii kooxdan ay weerar hoobiye yaal ah ku qaaday xerada milatariga chad ay ku leeyihiin degaanka Litri oo dhaca xuduuda dalkan uu la wadaago Nigeria.

Faallooyin