Garab ka mid ah kooxaha hubeysan ee suuriya oo isaga baxay aagagii ay ka joogeen gobolka Idlib

Dowlada Turkiga ayaa sheegay in la nadiifiyay aagaga ay ku sugnaayeen dagaal yahanadii ku sugnaa waqooyi galbeed ee suuriya kadib heshiis ay horay u gaareen xukuuadaha moscow iyo Ankara.

Saraakiil u hadashay dagaal yahanada Jabhada mucaaradka ee loo yaqaan National Liberation Front (NLF), oo taageerada ka helaya dowlada turkiga iyo Jabhada Free Syrian Army, ayaa Tv-ga caalamiga ah ee Al Jazeera u sheegay in ay dhameystireen ka bixitaankooda aagagii ay ka Joogeen gobolka Idlib.


Afhayeenka Jabhada NLF Naji al-Mustafa ayaa tibaaxay in taangiyadii iyo hubkii ay wateen ay ka saareen gobolka Idlib.


Naji ayaa dhanka kale sheegay in ay hubkooda ku heysan doonaan saldhigyo loo cayimay inta la dhameytirayo heshiiska ay dowlada la gaareen.


Heshiiskaan ayaa si rasmi ah loo gaaray kadib kulan ka dhacay magaalada Sochi ee dalka ruushka 17 bishii September,waxaana la isku af gartay in 15-kiilo ilaa 20 kiilo mitir ay ka baxaan aagaaga dagaalka oo ciidaadan ay ku sugan yihiin.

Faallooyin