Jarmalka oo xabsiga dhigay nin lagu eedeyay dilka gabar saxafiyad ah

Booliska Jarmalka ayaa xabsiga dhigay la tuhme lagu eedeyay in uu kufsi iyo dil u geystay saxafiyad Bulgarian ah oo lagu magacaabayay Viktoria Marinova,sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada.


agaasimaha dacwad soo oogista Bulgaria Sotir Tsatsarov, ayaa xaqiijiyay xariga Severin Krassimirov, oo 21-jir ah kaasi oo u dhashay Bulgaria.


Dowlada Bulgaria ayaa dhanka kale sheegtay in ay heyso cadeymo muujinaya in ninkaan uu geystay danbigan tiiyo ay jirto in laba ar oo hore isaga oo baxsad ah lagu xukumay laba danbi oo la xiriira kufsi.


Dhanka kale dacwad soo oogaha waqooyi galbeed ee ismaamulka Jarmalka Lower Saxony ayaa sheegay in la tuhmahaan habeenkii talaadada lagu xiray meel banaanka ugu baxsan magaalada Hamburg .

Faallooyin