Mucaaradka Nigeria oo loolanka madaxtinimo u xushay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas

Xisbiga mucaaradka Nigeria ayaa u doortay siyaasiga lagu Atiku Abubakar in uu u matalo loolanka madaxtinimo ee doorashada sanadka 2019 ee sanadka soo aadan.

Xulashada Abubakar, 71,jir ah ee xisbiga People’s Democratic Party (PDP) ayaa waxay uga gol leeyihiin sidii uu xilka kaga tuuri lahaa madaxweynaha haya talada,wadanka ugu dhaqaalaha badan Afrika.


Dhanka kale madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas ayaa rajo ka muujiyay in uu xilka kaga guuleysto madaxweyne maxamadu buhari oo xilka qabtay sanadkii 2015-kii.

Abubakar ayaa hadii ay u rumowdo riyadiisa waxaa uu noqon doona mucaaradkii ugu horeeyay ee ka guuleysta madaxweyne haya talada dalkaas.

Siyaasigaan oo adaxweyne ku xigeen ka ahaa dalkaas intii u dhaxeysay sanadihii 1999-kii ilaa 2007-dii ayaa xilka ka degay,balse waxaa uu dib ugu soo noqday xisbiga PDP bishan November.


Buhari, 75, jir ah ayaa shaaca ka qaaday in uu arkale u tartami doono doorashada adaxtinimo.

Faallooyin