Bangladesh oo daldalaad ku xukuntay 19 ruux oo ka tirsan xubnaha mucaaradka

Maxkmada magaalada Dhaka ayaa xukun daldalaad ah gacanta u galisay 19 ruux oo ay ku jiraan wasiiro hore iyo xubno sare oo ka tirsan mucaaradka oo lagu eedeyay in weerarkii dhacay sanadkii 2004-tii ee ka dhanka ahaa ra'isul wasaaraha haya talada Sheikh Hasina.


Shaqsiyaadkan la xukmiyay ayaa qoorta loo galin doonaa xarig sida uu sheegay garsoore Shahed Nuruddin.
Maxkamada ayaa dhanka kale xabsi ku xukuntay Tarique Rahman oo ah wiilka uu dhalay ra'isul wasaarihii hore ee dalkaas Khaleda Zia.


Marwo Zia oo xanuunsaneysa ayaa waxay ku xiran tahay xabsi ku yaal magaalada Dhaka,waxaana lagu eedeyay musuq maasuq iyo wax is daba marin intii ay heysay talada.

Xukunkaan ayaa imaanaya iyadoo wadanka Bangladesh looga diyaar garoobayo doorasho guud oo ka dhaceysa dabayaaqada sanadkan.


.

Rahman, oo ah sii haya xisbiga mucaaradka ee Bangladesh Nationalist Party (BNP), ayaa qoorta loo galiyay 10 sano oo xabsi ah waxaana dowlada ay sheegtay in ay maxkamada sare ay ka codsan doonto in daldalaad lagu xukumo.

Faallooyin