Kenya oo ku raadjoogta dagaal yahano ka tirsan shabab oo laba macalin ku dilay Mandera

La tuhmayaal ka tirsan ururka Al shabab ayaa waxay dileen laba macalin oo wax ka barayay iskuulka hoose ee waaxda carabiya ee hoostagta degmada Lafey ee ismaamulka Mandera.


Wakiil waaxeedka laga soo doortay aagaas Abdiaziz Dakat ayaa sheegay in weerarkan uu dhacay abaara 2-dii habeenimo ee xalay,isaga oo intaa ku daray in dagaal yahanada ay dab qabadsiiyeen qolka shaqaalaha ee iskuulka.


Iskuulkaan ayaa waxaa uu u dhow yahay xaduuda ay wadaagaan kenya iyo soomaaliya iyadoo marar badan ay weeraro argagixiso ugu dhaceen.


Labada macalin ee la dilay ayaa waxay ka mid ahaayeen 4 bare oo aan islaam aheyn oo ka howlgala iskuulka wiilasha ee carabiya oo ku yaal degmada Lafey.

Dhanka kale saraakiisha aamaanka ismaamulka Mandera oo xiriiro aan la sameynay ayaa sheegay in ay wadaan dabagalka dagaal yahanadii xalay ka danbeeyay weerarkaas.

Faallooyin