Xaaska madaxii hore ee Interpol oo sheegtay in fariimo hanjabaad ah looga soo diray shiinaha

Xaaska madaxii hore ee hey,ada booliska aduunka ee Interpol ayaa shaaca ka qaaday in ay fariimo hanjabaad ah oo dhanka talefanka ay uga yimaadeen kadib xariga seygeeda.


Haweeneydaan ayaa sheegtay in telefankeeda gacanta la soo wacay loona sheegay in xubno ka tirsan dowlada shiinaha ay ugu tagi doonaan gudaha faransiiska.

Wareysi ay la yeelatay wakaalada wararka ee Associated Press,ayaa Grace Meng waxay ku beenisay eedaha musuq maasuq ee loo jeediyay seygeeda.

Meng - oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee amniga ayaa si rasmi ah maqnaashihiisa ay u soo shaac baxday Jimcihii la soo dhaafay kadib safar uu kaga anbabaxay wadanka faransiiska.


Grace Meng ayaa ugu danbeyn sheegtay markii ugu wardanbeysay oo ay seygeeda la hadasho ay aheyd 25-tii bishii Septembe,markaas uu u soo qoray fariin aheyd isug kadibna uu u soo raaciyay sawir midi ah.

Faallooyin