Israel oo xabsiga dhigtay ardayad mareykan ah oo taageero u muujisay shacabka falastiin

Dowlada Israel ayaa xabsiga dhigtay ardayad u dhalatay mareykanka oo lagu magacaabo Lara Lara Alqasem, oo taageero u muujisay shacabka Falastiin.


Gabadhan oo 22 Jir ah ayaa lagu qabtay madaarka caalamiga ah ee Ben-Gurion maalinkii talaadada ee todobaadkii la soo dhaafay waxaana ay sheegtay in ay taageersan tahay dibad baxyada ka dhanka ah maamulka Israel.

Alqasem oo ku joogta Israel qaab ardaynimo ah ayaa wax ka barata jaamacada Hebrew ee ku taal dalkaas.

Gabadhaan oo hada diyaarineysa darajada waxbarashada ee bachelor degree ayaa laamaha amniga Isreal waxay ku eedeyeen in ay hormuud u tahay koox qareeno ah oo ka soo horjeeda cunaqabateynta iyo tacadiga ay Israel ka wado daanbta galbeed iyo marinka magaalada Gaza.

Faallooyin