Madaxweyne Erdogan oo wacad ku maray in ciqaab ay la kulmi doonaan kuwii ka danbeeyay afduubka Jamal Khashoggi

Madaxweynaha wadanka Turkiga Rajab dayib Erdogan ayaa wacad ku maray in ay ciqaabi doonto dowladiisa cid kasta oo ay ku cadaato afduubka ama dilka wariyaha la baadi goobayo ee u dhashay sacuudiga oo lagu magacaabo Jamal Khashoggi.

Saxafigan rug cadaaga ah oo mudo sanad ah ku noolaa mareykanka kadib inta uusan u safrin dalka Turkiga ayaa raq iyo ruuxba waxaa ugu war danbeysay maalinkii talaadada oo booqasho uu ku tagay Qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Warar soo baxayay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegay in wariyahan rag tababaran ay uga soo safreen sacuudiga deetana ay qaarijiyeen,inkastoo turkiga uusan wali arintaan shaacin.

Hanjabaada madaxweynaha Tukiga ayaa ku soo aadeysa iyadoo indhaha caalamka ay isha ku hayaan waxa ka soo baxa baaritaanka ay wali wadaan laamaha amniga Turkiga.

Faallooyin