Howlgal lagu burburinayo daaraha sharci darada oo ka dhacay magaalada Garissa

Magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari kenya ayaa maanta waxaa ka dhacay howlgal lagu burburinayo daaraha aan sharciga aheyn ee ku dhexyaal magaalada.

Howlgalkaan oo ka dhacay hareeraha wadada weyn ee kismaayo Road oo isku xirta xeryaha qaxootiga iyo magaalada Garissa ayaa waxaa lagu burburiyay daaro ganacsi oo dowlada kenya sheegtay in ay sharci daro yihiin.


Dabaqyada la burburiyay ayaa waxaa ku jira daarta Nomad Hotel oo ay leeyihiin qoyska xildhibaanka Garissa Aden bare du,ale.

Waxaada qaran ee dhismaha iyo bilicda wadooyinka kenya ee loo yaqaan KENHA ayaa sheegtay in uu sii socon doono howlgalkaan lagu burburinayo daaraha sharci darada ah ee ku yaal magaalada hareeraha wadooyinka magaalada Garissa.

Faallooyin