Dowlada kenya oo shaacisay in ay korortay dadka ku dhimanaya shilalka gaadiidka

Waxaa kor u siii kacay sanadkaa qasaaraha ka dhashay shilalka gaadiidka ee gudaha wadanka kenya boqolkiiba sideed lixdii bil ee ugu horeysay sanadkaan 2018-ka.


Waxaa ku dhintay 2,345 marka la isku daro sanadkaan iyadoo tiradan ay ka badan tahay dadka ku dhintay shilalka sanadkii hore oo aheyd 2, 165 ruux.


Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka kenya mr Samwel Kimaru oo ka hadlay arintaan ayaa sheegay in uu kordhay sanadkaan shilalka gaadiidka.

Guud ahaan 1,948 shil ayaa laga diiwaan galiyay halka sanadkii la soo dhaafay shilalka kenya ay ahaayeen 1,776 ruux.

Talyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan Traffic-da ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xiray dhalinyaro baratay xirfada wadida mootooyinka oo lagu qabtay magaalada Bomet ee koonfurta gobolka Rift valley ee dalka kenya.

Faallooyin