Barakac xoogan oo ka socda gobolka Florida iyo duufaanta Michael oo laga cabsi qabo

Duufaanta Michael oo ku dhufatay dalka Mexico ayaa laga cabsi qabaa in maalinta bari oo arbaco ah in ay gaarto qeybo ka mid ah xeebaha gobolka Florida ee cariga Mareykanka.


Dadka ku dhaqan magaalada xeebta ah ee Panama ayaa bilaabay in saaka ay guryahooda isaga baxaan si ay uga badbaadaan duufaanta xowliga sare ku socota.


Inkasta oo wali uu socdo barakaca ayaa hadan tiradii ugu danbeysay ee ka barakacda magaalada lagu sheegay 120,000 oo ruux.

Duufaanta Michel ayaa marka ay ku dhufato xeebaha gobolka Florida iyo dhulka hooseeya ee u dhow laga cabsi qabaa in ay ka dhashaan roob xoogan oo daadad wata.

Dhanka duufaantan ayaa la sheegay in qasaaro xoogan ay gaarsiisay qeybo ka mid ah gacanka Cuba.


Saaka oo talaado ah ayaa waaxda saadaasha hawada mareykanka sheegtay in duufaanta ay ku socotay 155 kiilo mitir saacadii,halka dhanka hawada ay gaareysay 179-kiilo.

Faallooyin