Cabsi soo wajahday muwaadiniinta carabta ee magangalyada siyaasadeed ugu jooga Turkiga

Xilli wali aan la aan la ogeyn halka uu raq iyo ruuxba uu ku maqan yahay Jamal Khashoggi oo ah saxafi u dhashay sacuudiga oo marar badan dhaleeceyn uu jeediyay hanaanka siyaasadeed ee boqortooyada,ayaa arintaan waxay walaac ku abuurtay shacuubta carabta ah ee ku nool Turkiga.

Jamal ayaa markii ugu wardanbeysay waxaa uu booqasho ku tagay qunsuliyada sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul iyadoo wixii markaa ka danbeeyay la waayay.


Xubno badan oo isugu jira siyaasiyiin iyo rag caan ah oo u dhashay dalalka carbeed oo mucaarad ku ah maamulada ka jira dalalkooda ayaa walaac ka muujiyay arintaan.

Shaqsiyaadkan oo magan galyo siyaasadeed ugu nool gudaha turkiga ayaa qaba in ay dhici karto arintaan oo kale,iyadoo sacuudiga uu iska diiday in jamal uu gacantooda ku maqan yahay.


Dhanka kale xukuumada Turkiga ayaa wali laga war sugayaa waxa ay ka tiraah baadi goobka loogu Jiro jamal iyadoo,saraakiisha laamaha amniga ay gudaha qunsuliyada sacuudiga ka raadinayaan saxafiga la la'yahay.

Faallooyin