Trump oo aqbalay is casilaada safiirka qaramada midoobay u fadhiya mareykanka Nikki Haley

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan dalka mareykanka Nikki Haley ayaa iska casishay xilkii ay heysay iyadoo dhamaadka sanadkaan si rtasmi ah ay uga tagi doonto xafiiska.


Madaxweyne Donald Trump ayaa aqbalay is casilaada haweeneydan isaga oo kaga mahad celiyay waxqabadkeeda intii ay xilka heysay.

War murtiyadeed ka soo baxay aqalka cad oo uu ku saxiixnaa Trump ayaa waxaa uu sheegay in ms Haley ay tahay ruux gaar ah oo wax wanaagsan u qabtay dalkeeda.


Haweeneydan ayaa lix bil ka hor waxay codsatay in ay shaqada ka tagto iyadoo sheegtay in ay dooneyso in ay qaadato mudo nasiino ah.

Mr Trump ayaa intaa ku daray in wada shaqeynta uu la lahaa Nikki Haley ay keentay in dhibaato badan lagu xaliyo.

Dhanka kale safiirka mareykanka u fadhiya qaramada midoobay oo xilka ka dageysa ayaa waxay beenisay in ay qorsheyneyso in sanadka 2020 ay u soo istaagto jagada madaxtinimo ee doorashada mareykanka.

Faallooyin