Madaxda amaanka oo ugu baaqay shacabka w/bari kenya in ay sameystan shaqsiyaad u xilsaaran aruurinta zakada

Mas,uuliyiinta laamaha amniga ee gobolka waqooyi bari kenya ayaa ugu baaqay shacabka muslimiinta ah ee soomaalida in ay iska dhiibaan zakada oo ka mid ah shareecada islaamka.

Isku duwaha dhanka amniga maxamed birik oo ka hadlay arintaan ayaa waxaa uu ku celiyay baaq ay culimada gobolka u soo jeedisay oo ahaa in shacabka muslimiinta ay sameystaan hey,ado u xil saaran aruurinta zakada.

Sargaalkan ayaa waxaa uu intaa raaciyay in dagaal yahanada Al shabab ay dad gaar ah u xilsaareen aruurinta Zakada loona baahan yahay si la mid ah taas in ay sameyaan shacabka muslimiinta.

Ugu danbeyn isku duwaha dhanka amaanka gobolka waqooyi bari kenya ayaa waxaa uu ugu baaqay shacabka in wax heesta iyo ganacsatada in ay zakada siiyaan dadka u baahan.

Faallooyin