Imran khan oo dhaliilay go,aanka hindiya ay uga baxday wadahadal ka labada dal

Ra'isul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa canbaareyay go,aanka ay dowlada hindiya ay u hakisay wadahadal labada dal ay yeelan lahaayeen todobaadka soo aadan oo la filayo in uu dhaco kulanka golaha amaanka ee qaramada midoobay.


Saraakiil ka socota labada dhinac ayaa horay loo qorsheeyay in ay ku kulmaan magaalada Newyork ee dalka mareykanka.


Si kastaba ha ahaatee hindiya ayaa meesha ka saartay kulan ay la qaadato Paksitaan,waxaana ay ku eedeysay dilalkii ugu danbeeyay oo ciidamada amniga dalkeeda loo geystay.

Maanta oo sabti ah ayaa mr Khan waxaa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray sida uu uga xun yahay Arintaan isaga oo intaa raaciyay in ay tahay dib u dhac iyo kibir dhanka hindiya.

Mr Khan ayaa soo qoray waxaa ka niyad jabsanahay is afgarad la,aanta iyo jawaab celinta hindiya,si aan ugu baaqo dib u furista wadahalka Nabada ayuu yiri hogaamiya Pakistan.

Waxaa uu intaa ku daray in noloshiisa uu arkay rag yar yar oo haya xafiisyo waaweyn kuwaasi oo aan heysan aragti fog si ay u arkaan sawir weyn isaga oo ula jeeday hogaanka hindiya.


Labada dal oo horay dagaalo u dhexmareen ayaa waxay isku heystaan dhulka Kashmir in kastoo mid waliba uu sheeganayo.

Faallooyin