Dad ka badan 20 ruux oo qamri ay cabeen ugu geeriyooday Malaysia

Ugu yaraan 21 ruux ayaa ku geeriyootay qamri ay cabeen gudaha wadanka malaysia sida ay saraakiisha police-ka dalkaas ay warbaahinta gudaha u xaqijiyeen.

Dadka ku sumoobay qamriga deetana ku geeriyooday ayaa la sheegay in ay ahaayeen qaxooti ka dhex shaqeysanayay gudaha dalkaas.

Waxaa sidoo kale Jira dadka kale oo la dhigay isbitaalada kuwaasi oo ku sumoobay qamriga ay cabeen.

Dhanka kale Police-ka magaalada Kuala Lumpur ayaa albaabada isugu dhuftay dukaamo lagu gadayay qamriga si looga hortago dhimasho kale.

Ilaa iyo hada lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in dadkaan ay u geeriyoodaan qamri ay cabeen,walow polic-ka sheegay in ay wadaan baaritaano la xiriira Arintaasi.

Faallooyin