Mareykanka oo sheegay in Iran ay hogaanka u heyso dalalka maal galiya Argagixisada

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Iran ay wali hogaamineyso dalalka taageera kooxaha argagixisada ee ku sugan wadamada caalamka.


Baaritaano ay sameysay mareykanka ayaa lagu eedeyay maamulka Tehran in hurinayo xasilooni darada ka taagan dalalka bariga dhexe iyo meelaha kale ee ka baxsan.


Agaasimaha waaxda argagixiso la dirirka mareykanka Nathan Sales ayaa sheegay in Iran ay hub iyo maal galin siiso dagaal yahanado ku sugan galbeedka Afrika koonfurta America ayna door weyn ku leedahay dhaq dhaqaaqyada kooxaha argagixisada yurub.

Sargaalkaan ayaa intaa ku daray in sida wanaagsan oo Iran ay uga go,neyn in ay la dagaalanto kooxaha Argagixisada ay muujineyso ficilada ay ku eedeyeen.


Agaasimaha waaxda argagixiso la dirirka mareykanka Nathan Sales Ugu danbeyn tilmaamay ,in Iran ay mas,uul ka tahay colaada ka taagan dalalka suuriya yemen ciraaq Afghanistan lubnaan baxreyn si ay uga hortagto danaha mareykanka uu ka leeyahay dalalkaas.

Faallooyin