Raga muslimiinta hindiya oo xabsi muteysan doona hadii xaasaskooda ay sadex dalaaqo ku furaan

Xukuumada Hindiya ayaa maanta qaadatay go,aan ah in ay ciqaab noqon doonto furiinka sadexda dalaaqo iyadoo loo marayo amar sharci ah oo barlamaanka ay meel mariyaan bishii la soo dhaafay ay August.


Iyadoo la fulinayo sharcigan cusub ayaa raga muslimka ah ee sadexda ku fura xaasaskooda waxay wajihi karaan xabsi sadex sano ah iyo wixii ka badan iyo ganaax lacageed.

Hey,ada u dooda xuquuqda hablaha muslimiinta ee difaacda guurka oo lagu magacaabo (Protection of Rights on Marriage) ayaa dooda la xiriirta arintaan u gudbisay barlamaanka Hindiya sanadkii 20017-dii,balse ma suura galin in sharci rasmi ah laga soo saaroo sababo la,aan lagu waayay darteed.


Sharcigaan cusub ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay haweenka muslimiinta Hindiya.


Dhanka kale arintaan ayaa waxaa canbaareyay xildhibaanada mucaaradka waxaana ay sheegeen in aan loo dulqaadan karin in xabsi lagu muteysto Xabsi.


Sanadkii 2017-dii ayaa maxkamada sare ee hindiya waxay mamnuucday in muslimiinta ay isku furaan hal mar sadex dalaaqo.

Faallooyin